“Waxaan xayiraynaa fiisayaal!” – Maraykanka oo digniin kasoo saaray xaaladda Somalia (Xilliga lagu soo beegay?)

0

(Washington, DC) 09 Feb 2022 – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan Somalia.

Digniintan ayaa ka dhan ah wax uu ku tilmaamay dad “wiiqaya dimoqraadiyadda Somalia” oo aanu magac dhabin.

“Waxaannu xadidaynaa fiisayaasha kuwa ku lugta leh wiiqitaanka dimoqraadiyadda Somalia,” ayuu warkiisa ku bilaabay.

“In la isku hor gudbo geeddi-socodka dimoqraadiyaddu wuxuu leeyahay cawaaqib. Maraykanku wuxuu si xooggan u taageeraa shacabka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeeyno horumarinta dimoqraadiyadda iyo baraare aan wadaagno.” Ayuu raaciyey Blinken.

Waxaa qoraalka lagu xusay in xayiraaddu ay qaban doonto dadka u gooddiya saxafiyiinta, cabsi geliya bannaanbaxyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ama farafareeya geeddi-socodka doorashada.

Waxaa haatan socota doorasho cillado badan oo misna ku socota qaab caajis ah lamana oga cidda uu warkani ku socdo, waxayse kusoo beegmaysaa xilli uu sanadkii 6-aad maanta u bilowday MW Farmaajo oo aan doorashada ku qaban waqtigeedii.

Hadalsame  Media