(Hadalsame) 08 Feb 2022 – MW Farmaajo ayaa waxaa maanta u bilaabmaya sanadkii 6-aad tiiyoo ay jirto inuu xilku ugu ekaa 8-dii Febraayo 2020-kii, isagoo maamul ahaan ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorashada ku qabto xilligii loogu tala galay iyo xitaa inuu keeno heshiis siyaasi ah oo la isku waafaqsan yahay.
Taasoo keentay in kaddib markii uu fashilmay muddo kororsi 2 sanadood ah ay kaddib doorashadii gacanta ku dhigaan rag yar oo ka tirsan Maamul-goboleedyada iyo isaga taasoo keentay in ay haatan socoto mid ka mid ah doorashadii ugu tayo liidatey muddadii burburka.
Yeelkeede, marka la eego waqtiga uu MW Farmaajo xilka hayey waxaan eegaynaa heerka ay Somalia ka gashay musuqa adduunka iyo inuu kasoo raayey madaxwaynihii isaga ka horreeyey ee Xasan Sheekh oo aad loogu eedaynayey inuu laftiisu musuq badan galay.
Waxaa tirakoobka 9-kii sanadood ee lasoo dhaafay ee ay xilka Madaxwayne kala hayeen Xasan Sheekh & Farmaajo ka muuqata in ay Somalia ku jirtey boos ka yara wanaagsan midkii ay gashay 5-tii sanadood ee ugu dambeeyey, sida ay qabto Transparancy International oo ah hay’ad la dagaallanta musuqa oo qiimayntan samaysa.
Waxaa qiimaynta ka muuqata in Somalia ay booskii ugu wanaagsanaa mudadii burburka gashay intii uu joogey Xasan Sheekh oo ah sanadkii 2015-kii oo ay gashay kaalinta 167-aad, halka inta kale uu marka uu ugu yar yahay 2 boos ka sarreeyey muddo-xileedka Farmaajo oo dhan.
Hadalsame Media