Dal Muslim ah oo markii ugu horreeysey samaynaya madfaca culus ee K9 Thunder & gaariga gaashaaman ee xambaara (Daawo)

0

(Hadalsame) 08 Feb 2022 – Masar ayaa siin doonta Kuuriyada Koonfureed $1.7 bilyan oo doollar si ay u hesho ilaa 200 oo ah madaafiicda culus ee K9 Thunder, kaddib markii ay labada dhinac ku heshiiyeen sidaasi.

Waxaa la fahamsan yahay in rabitaanka Masar ee ah in ay hesho K9-ka Koonfuurta Kuuriya oo ah madaafiicda otomaatig xigeenka u shaqeeya lagu soo bandhigay kulan bishii hore Qaahira ku dhex maray Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi.

Heshiisku waa mid u wanaagsan labada dal. Kuuriyada Koonfureed waxay heshiiska ku tilmaantay “iibsigii ugu weynaa ee dal qalaad lagu siiyo howsarka K9.

“Masar ayaa la filayaa inay dhaqaalaha gudaha ku shubaysa lacag cusub, maadaama inta badan madaafiicdan iyo gaadiidka xambaara lagu soo saari doono gudaha dalkaasi. Sida laga soo xigtay ilo-wareedka DefenceNews, Warshad ku taal duleedka Qaahira, ayaa bilaabi doonta soo saarista K9 Thunder iyadoo haysata shati hoosaad.

Xaqiiqooyinka K9 Thunder

Soo saaraha K9 Thunder waa shirkadda Kuuriyada Koonfureed ee Hanwha Defense Naqshadeynta K9-kii ugu horreeyay ayaa lagu dhammeeyay sabuuraddii sawirka 1989. Hal sano kaddib, wax-soo-saarkii ugu horreeyay ayaa billowday. Sannadka 2018, Hanwha Defense waxa ay cusboonaysiin wayn ku sameeysay howsarkan iskiis u shaqeeya si uu u gaaro heerka hadda uu joogo.

K9 ayaa ridi kara madaafiic gaarasya masaafo dhan 50 km. Iyadoo ku xiran hadba rasaasta loo isticmaalo, kala duwanaanta rasaastu way ka duwan tahay – laga bilaabo 18 ilaa 50 km. Maraaraha qoriga K9 waa 155 mm, isagoo buuxiya dhammaan shuruudaha heer ee Gaashaanbuurta NATO oo inta badan adeegsata hub casri ah.

Madfacan waxaa la ridi karaa gaariga gaashaaman ee uu saaran yahay oo socda ama neg wuxuuna ka dusi karaa ilaa 14.5 mm, isagoo 30-kii ilbiriqsiba ridi kara hal madfac. Wuxuu askarta saaran ka ilaalin karaa firir 155 mm ah oo madfac ah iyo miinooyinka lidka dadka.

K9 waxaa uu ku shaqeeya matoorka Jarmalka ee STX-MTU MT881Ka-500, kaas oo bixiya 735 kW oo tamar ah, islamarkaana lex xawaare dhan 2,700 rpm oo ah inta ay garnaajooyinkiisu hal wareeg ku dhamaystiri karaan daqiiqaddii, halka uu xoog ahaan la awood yahay 1,000 faras.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media