”Cayrta halla hoos geeyo Dowladda Dhexe” – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Sweden oo ka hadlaya xalka xaafadaha uu ka jir dhibka dhaqan-dhaqaale (Dhegeyso)

0

(Borlänge) 08 Feb 2022 – Waxaa bisha Sebtembar ee sanadkan Sweden ay u dareeraysaa doorashooyinka guud ee dalka min degmo, gobol ilaa dowlad dhexe, haddaba waxaan arrintan wax ka waydiiyey siyaasiyiinta kala ah Mursal Ciise (MP) & Axmed Bari (S), si ay bal u sharraxaan qorshayaasha axsaabtooda.

Axmed Bari ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday in ay xisbi ahaan diiradda saarayaan dhinaca tayaynta iyo sinnaanta tas-hiilaadka waxbarashada, halka Mursal Ciise uu qabo in la wanaajiyo adeegyada bulshada iyo dhiirrigelinta shaqooyinka oo ay ku jiraan kuwa ay dadku iskood u abuurtaan sida ganacsiga, isagoo xusay inuu la kulmay 15 xirfadle oo hal-abuur ganacsi leh.

”Waa in cayrta la hoos geeyaa Dowladda Dhexe.” ayay isku raaceen labada siyaasi waloow ay ku kala qaybsan yihiin sababta ka dambaysa hindisohooda.

Hadalsame Media