(Muqdisho) 08 Feb 2022 – MW Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Maraykanka usoo xilsaaray Soomaaliya, Larry André.
Yeelkeede, waxay doodi ka aloosantay halka lagu qaabiley Danjiraha Maraykanka oo sidii dhacday 29-kii Jannaayo kasoo muuqday konteennar ku dhex yaalla Xerada Xalane, iyadoo ay dadka qaar ku doodayeen in ay goobtu tahay Villa Somalia.
Haddaba, waxaannu isku dayaynaa inaan bayaaninno inay goobtu tahay uun isla konteennarkii oo loo yara ekaysiiyey Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.
Labadan sawir midka sare waa Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, Cabdisaciid Muuse Cali, oo 29-kii Jannaayo warqadaha aqoonsiga ka guddoomey Danjiraha cusub ee Maraykanka u qaabilsan Somalia isagoo ku sugnaa Xalane, Lary Andre, oo todobaadkii hore soo gaarey caasimadda dalka ee Muqdisho.
Midka hoose waa habeenkii xalay ahaa markii uu saxiixayey dokumentiyada danjirennimo, sida muuqata ee weliba waadax ahna meeshu waa isku hal meel.
Labadan sawir ee sare iyaguna waa isla gudaha konteennarka oo ay marna xalay wada fadhiyaan MW Farmaajo & Danjiraha, marna uu Wasiir Dibadeedka Somalia uu waraaqaha uga qabanayey Danjiraha.
Intaa daddib barbardhig muuqaalka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo kaga guddoomaya Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.
Hadalsame Media