(Hadalsame) 07 Feb 2022 – Qawaarka AC Milan ee 40-sano jirka ah ee Zlatan Ibrahimovic ayaa dhowr kulan oo uu ku jirey midkii Derby Milano oo ay kooxdiisu ku badisay ku seegay dhaawacyo xilli-ciyaareedkan kusoo noqnoqday, waxaana la filayaa inuu seego labada kulan ee soo socota ee Milan ay kala ciyaareyso Lazio oo Arbacada ah iyo Sampdoria oo Axadda ah.
Ibrahimovic ayaa rajeynaya inuu ku soo laabto garoomada sida ugu dhaqsaha badan, laakiin sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, dhaawaciisa oo seedaha ah ayaa aad uga daran sidii markii hore laga cabsanayey.
Patience pic.twitter.com/to3TggUcar
— Zlatan Ibrahimović (@Ibra_official) February 7, 2022
Si kastaba ha ahaatee, Ibrahimovic ayaa waxa uu sii wadaa soo kabashadiisa waxana uu soo bandhigay jimicsi cajiib ah ee Abs kaas oo si wayn ugu faafay baraha bulshada.
Ibrahimovic kaliya wuxuu muuqaalka ku dul qoray ‘samir’ oo uu la socdo muuqaalku, taasoo laga fahmayo inay waqti qaadan karto kahor inta mar kale lagu arkayo garoonka dhexdiisa.
Hadalsame Media