Ralf Rangnick oo wajahaya qaaquullo ay aad ugu kala qaybsameen laacibiinta Man United (Ragga la xusay)

0

(Manchester) 27 Feb 2022 – Ralf Rangnick ayaa wajahayo qaaquullo sii kobcaysa oo ka taagan qolka lebbiska Manchester United, iyadoo ay warbixinnadu tibaaxayaan inay laacibiintu ku kala qaybsamayaan inuu naadigu ku saxan yahay go’aanka Mason Greenwood iyo in kale.

Greenwood ayaa la xiray todobaadkii hore iyadoo looga shakiyay kufsi, faraxumayn, weerar iyo hanjabaad dil, laakiin markii dambe ayaa lagu sii daayay damiin kaddib markii uu saddex habeen ku jirey xabsiga xabsiga oo ay su’aalo waydiiyeen booliisku.

Kaddib eedeymahaas, waxa ay u muuqataa in dhowr ka mid ah asxaabtiisu ay laacibka xiriirka ugu jareen dhanka baraha bulshada, iyadoo Cristiano RonaldoEdinson Cavani iyo Victor Lindelof ay u muuqdaan kuwo aan laacibka kula socon Instagram-ka.

Warbixin ka soo baxday The Sun ayaa lagu sheegay in tani ay cadaadis ku saartay xubnaha kale ee kooxda koowaad inay ku daydaan, inkastoo loo maleynayo in xiddigo dhowr ihi ay aaminsan yihiin inay khalad ahayd in Greenwood la tuuro maadaama uu mabda’iyan sharcigu sheegayo ”inuusan qofku wax dambi ah lahayn ilaa lagu caddeeyo dambiga.”

Mid ka mid ah laacibiinta Man United ayaa xitaa ku dooday inay arrintani muujinayso kala qaybsanaanta kooxda dhexdeeda oo uu sheegay in ay laacibiinta qaarkood kaligood iska tillaabsadaan.

”Qiyaas haddii ay booliisku waxba ku waayaan, waxaan dareensan nahay inay ku habboon tahay in aan cadaaladda ka war sugno oo aan laacibka si hordhac ah loo tuurin.” ayuu ku dooday isagoo aan magaciisa sheegin.

Hadalsame Media