(Muqdisho) 07 Feb 2022 – Waxaa magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ahba ka dhaca tacaddiyo iyo ku takri-fal awoodeed oo dhereran mid madaxda ugu sarreeysa ilaa midka ugu hooseeya.
Kuurgal aannu samaynay ayaan ku ogaanney in meelo badan oo Muqdisho iyo agagaarkeeda ah ay yaallaan isbaarooyin aanay qaarkood xitaa raad lahayn balse dadwaynaha looga qaadayo lacago fara badan oo sharci darro ah.
Waxaa isbaarooyinkaa ka mid ah mid taalla halka laga galo Xeebta Liido, taasoo la sheegay in bajaajyada halkaa dadka gaynaya ay ku baadaan askar ka tirsan Saldhigga Booliiska degmada Cabdicasiis.
Dad goobjoog ah oo iskugu jira Bajaajley iyo dad kale ayaa Hadalsame u sheegay in arrintan uu ku lug leeyahay xitaa Taliyaha Saldhigga Booliiska ee Cabdicasiis, balse rasmiyan uma xaqiijin karno inay taasi run tahay, waxaanse hubinnay in meesha ay askartu lacagta baadda ah dadwaynaha oo horay dhowr mar loo canshuuray uga qaadaan.
Sawirro aannu si qarsoodi ah ku qaadnay ayaa muujinaya askarta qaarkeed oo jidka taagan iyo bajaajyo xoogsato ah goobta ku rigaysan oo qaar la celiyey u badan kaddib markii ay lacagta bixin waayeen.
Ciidamada ka tirsan isla DF oo aan inta badan wax hab-raac iyo dishibiliin aan lahayn ayaa sidoo kale dila dadwaynaha rayidka ah waxaana ugu dambaysey haweenay masaakiin oo ilmoolay ah oo lagu toogtey Ceelasha Biyaha iyo 3 dhallinyaro ah oo ay 2 isla dhalatay oo beri dhowayd Muqdisho lagu diley.
Arrintan ayaa waxaa u sabab ah in aanu jirin rabitaan siyaasi ah iyo mid maamul oo sare ka imanaya iyo karti dhisid iyo xulasho micne leh oo lagu wajahayo askariga loo dirayo howshan, si loo hufo waxqabadka ciidamada oo haatan keenaysa natiijo gebi ahaanba cagsi ah.
Hadalsame Media