Sidee ayay dalalka Afrika caawa ula kala safan yihiin Senegal vs Masar (Somalia dalkee la jirtaa?)

0

(Yaoundé) 06 Feb 2022Waxaa caawa fiidkii lasoo afjarayaa ciyaarta dhamaadka ah ee Koobka Qaramada Afrika ee AFCON dufcaddiisa 2022, kaasoo ay iskugu soo hareen xulalka Senegal vs Masar.

Labadan xul ayaa ku ballansan gegada Paul Biya Stadium, ama Olembé oo ku yaalla caasimadda dalka tartanka martigelinaya ee Yaoundé.

Haddaba, waxaa qiimayn lagu sameeyey sida ay dalalka Afrika caawa u kala taageerayaan labadan xul oo uu midkood qaadan doono taajka qaaradda madow.

Dalalka Maqrib la isku yiraahdo sida Marooko, Tuniisiya, Libya iyo Masar lafteeda ayaa laga taageeri doonaa Xulka Masar, sidoo kale Muritaaniya iyo dalkeenna Somalia ayaa lagu qoray liiska Masar ku daba fayshan.

Yeelkeede, dalka Aljeeriya ayaa ah dalka qura ee Maqrib ah ee dhexdhexaad ah, sidoo kale dalka Sudan ayaa u kala qaybsan labada dhinac.

Hadalsame Media