(Muqdisho) 06 Jan 2022 – Xulka qaranka Somalia ayaa loo magacaabay macallin cusub oo reer Yurub ah kaasoo lagu magacaabo Hendrik Pieter de Jongh.
51-jirkan u dhashay dalka Holland ayaa soo layliyey kooxo xirfadleey ah oo dhowr ah oo ay ku jiraan Budapest Honvéd, kooxda ka dhisan Kenyan Premier League ee A.F.C. Leopards iyo kooxda South African-ka ah ee F.C. Cape Town.
Xulka Somalia ayaan wax tababare ah yeelanin tan iyo horraantii bishii Juun ee sanadkii tegey, markaasoo laga cayriyey macallin u dhashay dalka Marooko balse haysta dhalashada Belgium oo si wayn looga sheegtay dhaqankiisa iyo xirfaddiisaba.
Ninkan oo dhashay 8-dii Diseembar ayaa shax ahaan ku dheela qaabka Dheemanka ee 4-5-1 oo diiradda la saarayo qabsiga khadka dhexe iyo koontoroolka ciyaarta.
Si kastaba, Xulka Somalia oo haatan ka mid ah kuwa ugu hooseeya caalamka ayaa waxaa la degey xiriirka Somalia oo ay haysato dhibaato maamul iyo isaga oo haatan laba u kala qaybsamay.
Name in Home Country / Full Name: |
Hendrikus Pieter de Jongh |
---|---|
Date of Birth: | Dec 8, 1970 |
Place of Birth: | Asperen ![]() |
Age: | 51 |
Citizenship: | ![]() |
Avg. term as coach: | 0.93 Years |
Coaching Licence: | UEFA A Licence |
Preferred formation: | 5-4-1 Diamond |
Somalia’s New National Team Coach #Somali
Tababaraha Cusub ee Xulka Qaranka Soomaaliya #BreakingNews @pieterdejongh12 pic.twitter.com/Mq8hAbIbD4
— Somalia Football Team (@somoceanstars) February 6, 2022
Hadalsame Media