(Milano) 06 Feb 2022 – 14 sanadood kaddib, ayaa waxaa dhacday in laacib AC Milan ah oo sita lambarka 9-aad uu go’aamiyo natiijada Derby della Madonnina.
Olivier Giroud ayaa xalay ka xiddigeeyey kulankii Inter vs AC Milan taasoo magaciisa ku dhigtay diiwaanka sooyaalka kulankan xiisaha badan.
Laba jeer oo seddex daqiiqo gudaheed ah ayuu 2 gool oo cirka kasoo dhacay ugu shubay Inter, taasoo aan kaliya soo noolaynin rajadii Milan ee horyaalka balse dib u furtay hardankiisa oo awalba ahaa midka haatan ugu adag Yurub.
Laacibkii ugu dambeeyey ee isaga oo 9 xiran go’aamiya ciyaartan wuxuu ahaa Pippo Inzaghi 2008-kii.
Waxay ahayd Maajo 4teeda, Kaka ayaa sidoo kale ku jiray gool dhalinta habeenkaasi.
Giroud waa ninka derby-ga. Ilaa hadda waxa uu si fiican u ciyaaray 72 ka mid ah kuwaas oo dhamaantood uu ku sugnaa London isaga oo dhaliyay 21 gool.
Soo laabashadii ugu fiicnayd: goolkii final-ka ee Europa League 2019-kii. Kulamadii uu u kala saftay Blues iyo Gunners, kooxihiisii hore. Had iyo jeer wuxuu ahaa mid go’aamiya ciyaarta.
Hadalsame Media