(London) 03 Feb 2022 – Muuqaal cajiib ah ayaa maanta daaha ka qaaday in diyaaradaha dagaalka ee RAF Typhoon ay gelbiyeen afar diyaaradood oo Ruushku leeyahay oo ah kuwa wax duqeeya xeebaha Scotland kaddib markii ay soo aadeen dhanka hawada UK ee dulmarta Badda Woqooyi.
Dayuuradaha Typhoons ee UK ayaa ka soo duulay Lossiemouth oo ka tirsan Moray kaddib markii laba diyaaradood oo Ruush ah oo ah nooca Tu-95 Bear H ah iyo laba roondo-badeed ah oo la yiraahdo Tu-142 Bear F ay raadiyeen dayuuradaha Ciidanka Cirka UK ee RAF, meel u dhow Badda Woqooyi.
Labada dhinac ayaa dhowr daqiiqo is mari waysnaa shalay galab, balse markii dambe waa la leexiyey dayuuradaha Ruushka iyagoo aan si fiican usoo gelin hawada UK – iyadoo uu shilkani dhacay saacado uun kahor markii ay telefoonka ku wada hadleen MW Vladimir Putin iyo RW Boris Johnson.
RW Johnson ayaa horay Talaadadii mar uu kasoo noqday booqasho uu ku tegey Kyiv wuxuu Kremlin-ka uga digey in weerar ay ku qaadaan Ukraine ay ka dhigan tahay wax uu ku tibxay ”xisaabtan xumo naxdin leh”.
Hadalsame Media