
(Menlo Park, CA) 03 Feb 2022 – Kaabbaha baraha bulshada ee Facebook ayaa dhulka galay isagoo xalay oo qura lumiyey 29m oo doollar.
Hoos u dhacan ballaaran ayaa waxaa ugu wacan dad aad u fara badan oo mar qura iskaga guurey Facebook taasoo dhulka gelisey saamiyadiisii.
Waa natiijadii ugu xumayd abid gaar ahaan rubaca 1-aad ee sanadkan 2022 oo uu Facebook ka mid noqday dhowr shirkadood oo hoos tegaya Meta.
Facebook oo ah app-ka ugu ballaaran Meta ayay tani u tahay hoos u dhicii ugu waynaa ee hal maalin ah tan iyo markii la yagleelay 2004 kaasoo ah 20%.
Nin dab-afuuf ah oo la yiraahdo, Frances Haugen, ayaa baahiyey dokumentiyo hoose oo muujinaya in Facebook uu luminayo dadka da’yarta ah oo u qaxaya apps kale sida Tik Tok iwm.
Hadalsame Media