(Hadalsame) 31 Jan 2022 – Qoraal uu dhowaan sameeyey Michael Rubin oo cinwaan looga dhigay su’aal iftiimin ah oo ku saabsan in ”Itoobiya ay weerari karto Somaliland si ay Saylac ula wareegto” ayaa sii faafaya, waxaana haatan qoraal fal-celin a lagu qoray Warqaadka The Independent qaybtiisa af Carabiga.
Geeska Afrika waxa ka muuqda isbedello siyaasadeed oo aan hore loo arag, marka loo eego qalalaasaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee Itoobiya iyo Soomaaliya, marka la eego hoos u dhaca doorkii Maraykanka oo muddo dheer ka ciyaarayay doorka booliska adduunka, halka uu marayo. Arrimaha Bariga Yurub iyo Aasiya, waxaan filan karnaa isbeddello ku yimaada xaqiiooyin-juquraafiyeedka, marka la eego Soomaalida daciifka ah ee aan misna deganayn iyagoo leh mid ka mid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa lagu bilaabay qoraalka cusub oo uu sameeyey Max’ud Max’ed Xasan Cabdi oo ah qoraa Soomaali ah.
Dekadda Saylac oo ku dhow marinka Bab al-Mandab, juquraafi ahaanna ku dhow xuduudka Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa maalmahan diiradda la saarayaa, si Itoobiya loogu magdhabo kharashaadka qaaliga ah ee ku baxaya isticmaalka dekedda Jabuuti ee Addis Ababa iyo ka faa’iidaysi la’aanta dekedaha Eritrea sababo dhinaca ammaanka ah dartood, gaar ahaan tan iyo markii ay colaaddu ka aloosantay gobolka Tigraay.
Dhanka kale, khilaafka Hargeysa (caasimadda Somaliland) iyo Muqdisho, marka la eego isbahaysiga kuwan dambe ay la leeyihiin Addis Ababa, way sahlan tahay in dabool siyaasadeed la saaro tillaabo kasta oo aakhirka u oggolaan karta Itoobiya in ay gacanta ku dhigto dekeddaasi iyada oo aan wax buuq ah la kulmin.
DIGNIINTA MARAYKANKA
Maqaalkii uu daabacay Machadka American Enterprise Institute ciwaankiisu ahaa “Itoobiya miyay isu diyaarinaysaa duullaan ay ku qaaddo Somaliland?” ee uu qoray Micheal Rubin oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Maraykan ah oo aad ugu dhow “Somaliland” ayaa ka dhigan digniinta uu ka bixinayo waaqica mustaqbalka dhow.
Khatarta ku soo foolka leh Jamhuuriyadda Somaliland ee gooni-isu-taagga ah ayaa daliil cad u ah danaha is-daba-joogga ah ee caalamiga ah ee gobolka, iyadoo oo uu Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy Axmed ka faa’iidaysanayo mowjadda taageerada ah ee ay u fidiyaan waddamada waawayn iyo gobolka sida China, Turkiga iyo Eriteriya intii uu dhowaan dagaalka kula jiray Tigreega iyo Oromada, isaga iyo xulafadiisa u arka kuwo dhibsanaya qaar ka mid ah mowqifyada “Somaliland” ee arrimaha qaarkood.
La soco qayb kale…
Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media