(Hadalsame) 31 Jan 2022 – Sida horay loo sheegay hay’ad uu hoggaaminayo Midowga Afrika ayaa xilka kala wareegi doonta AMISOM taasoo muddo labo sano ah mas’uuliyadda amniga ku wareejinaysa ciidamada Ammaanka Soomaaliya, Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa sidaa ku heshiiyey.
Guddiyo farsamo oo kala metelaya DF Somalia iyo Midowga Afrika oo ay kala hoggaaminayaan Wasiirka Gaashaandhigga Somalia iyo Danjiraha AU ee Somalia oo uu howlgalka AMISOM hoos tago, ayaa maanta waxaa Muqdisho uga furmay shir lagu qayixi doono qorshaha Howlgalka Cusub ee bedelaya midka AMISOM.
Waxyaabaha laga wada hadli doono waxaa ka mid ah sida la isu waafajin doono aragtida howlgalku ku dhisan yahay ee hagaysa Howlgalkan isla Midowga Afrika hoggaaminayo, kaasoo lagu wado in oodda laga rogo 1-da Abriil 2022-ka.
Tan ugu darani waa waqtiga iyo saadaasha natiijada Howlgalkan oo ATMIS lagu magacaabo oo la doonayo inay ammaanka dalka ku wareejiyaan SNA Diseembar 31, 2023, waloow laga hadlay in 5 snaadood oo kale lagu daro ilaa 2027, balse lafa-gur ammaan oo kale oo soo baxay dabayaqaadii sanadkani uu muujinayo in Somalia aanay wax badani iska bedelaynin 2026-ka, islamarkaana aanay caddayn in xaaladda ciidan ay wax ka bedeli karto xilligaas, haddii aan la helin isbeddel siyaasi ah oo ka duwan khiyaaliga haatan lagu jiro.
Yeelkeede, waxaa la sugayaa wixii go’aan ah oo kulankan kasoo baxa kaasoo ay u badan tahay in lagu kordhiyo xilliga joogista Ciidamada shisheeye oo aan haatan lahayn beddel ammaan oo la taaban karo.
The technical teams of Somali Government and #AU have today started in #Mogadishu discussions on how to harmonize the Concept of Operations which will guide the new #AUMission which begins on 1st April 2022, on Monday.#Somalia pic.twitter.com/TdEdieXn47
— Radio Muqdisho (@RadioMuqdisho) January 31, 2022
Hadalsame Media