(Hadalsame) 30 Jan 2022 – Qiimayn laga sameeyey qaaradda madow ee Afrika gaar ahaan dhanka dimoqraadiyadda iyo diktatooriyadda ayaa Somalia gelisey khaanad hubaal la’aan ah.
Sida ka muuqata qiimayn xeel dheer oo uu sameeyey Regardexcentrique, waxaa Afrika oo idil loo qaybiyey 3 gobol hab-siyaasadeed, kuwaasoo kala ah midabbada cagaarka furan ee saytuuniga ah, midabka oronjada iyo hurdi ama jaalle furan.
Midabadan ayaa Afrika oo ay ka dhisan yihiin 55 dowladood u kala qaybiyey 20 dimoqraadiyadood oo cagaaran, 23 diktaytar oo oronjo lagu sumaday iyo 12 dal oo ku jira xaalad kala guur ah ama hubaal la’aan ah oo dhinac kasta aadi karta oo loo qaatay hurdi debecsan.
Somalia ayaa ka mid ah dalalka ku jira dheeha hurdiga furan taasoo ka dhigan inay wajahayso 4 xaaladood oo ay midkoodba mudan karto kuwaasoo kala ah: dimoqraadiyad, diktatooriyad, kala guur iyo tan ugu daran oo ah xaalad aan kala caddayn iyo qaaquullo.
Hadalsame Media