(Ankara) 30 Jan 2022 – Xiisaha sii kordhaya ee luuqadda Turkiga ee caalamka oo dhan ayaa sidoo kale ka muuqda Soomaaliya, maadaama dalkan Afrika uu aad uga dhow yahay Turkiga, ayaa lagu bilaabay qoraal lagu faafiyey Daily Sabah oo ka mid ah warqaadyada ugu afka dheer Turkiga.
Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah Maamulaha Machadka Luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinayey koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo diyaariyey in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.
Machadkan oo Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay ka hirgeliyeen arday wax ku soo baratay dalka Turkiga ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 5-dufcadood oo arday ah oo baranaya luuqada Turkiga.
“Ardaydeenu waxay u badan yihiin kuwa doonaya inay u safraan dalka Turkiga si ay wax uga bartaan jaamacadaha Turkiga, waxaan ka caawinnaa inay bartaan luuqadda kahor inta aysan tagin, illaa hadda ardaydeennu si fiican ayay u bartaan,” ayuu yiri C/kariin.
Waxa uu sheegay in ilaa 135 qof oo ay ku jiraan 65 gabdhood ay bishii la soo dhaafay isku diwaangaliyeen in ay ka bartaan luuqada Turkiga machadkiisa, isaga oo intaa ku daray in dhamaantood ay yihiin arday u hanqal taagaysa in ay galaan jaamacadaha dalka Turkiga.
“Qaar ka mid ah waa dad ganacsato ah, oo doonaya inay la xiriiraan dhiggooda Turkiga, qaarna waxay rabaan inay wax ka bartaan, maadaama luuqaddu ay noqotay mid muhiim ah oo laga jecel yahay halkan Soomaaliya,” ayuu yiri.
Tan iyo 2018-kii, markii albaabada loo furay dugsiga, 300 oo qof ayaa dhammaystay koorasyada luuqadda Turkiga. “Qaar ka mid ah ardaydeennii qalinjabisay ayaa hadda halkan Muqdisho uga shaqeeya turjubaanno maadaama ay Muqdisho ka howlgalaan shirkado badan oo Turki ah” ayuu yiri C/kariin.
Waxa uu sheegay in ardayda gabdhaha ah ay si degdeg ah wax u bartaan, maadaama ay aad u dadaal badan yihiin, isla markaana ay u badan yihiin kuwa doonaya in ay koorsooyin ku saabsan caafimaadka ka qaataan dalka Turkiga.
Zahra Macallin Cabdiraxmaan, oo 20 jir ah oo barata caafimaadka, ayaa AA u sheegtay inay doonayso inay la tartanto saaxiibteed, oo si fiican u taqaan luuqadda Turkiga, islamarkaana daawata aflaanta Turkiga, iyada oo aan kaashanin qoraal-hoosaadyada Ingiriisiga ah.
Cumar Cabdi Jimcaale, oo ah bare culuunta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in barashada luqadaha kala duwan ay wanaagsan tahay maadaama diinta Islaamku ay sidoo kale dhiirigelisay.
Inkastoo aan lahayn tirokoob rasmi ah, haddana wuxuu ku andacoonayaa in ilaa 100,000 oo Soomaali ah ay ku wada xiriiri karaan luqadda Turkiga, tiradana ay marba marka ka dambeysa sii kordhayso. Sababtu waxay tahay Turkiga oo martigelinaya tiro badan oo qurbo-joog Soomaaliyeed ah, sida uu yiri. “Barashada luuqadaha qalaad mar walba waa tallaabo wanaagsan, in la barto luuqadda waddan sida Turkiga oo kale ah oo xiriir dhow oo dhaqaale, siyaasadeed iyo mid ciidanba la leh Soomaaliya waa tallaabo aad u wanaagsan oo dhanka saxda ah loo qaaday,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in marka la eego is dhexgalka dhaqaale, waxbarasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ay aad u badan tahay in dalka laga furo dugsiyo badan oo lagu barto luuqadda Turkiga. Waxa uu sheegay in dugsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka jira ay sidoo kale sare u qaadi karaan is dhexgalka dhaqanka ee muwaadiniinta labada dal.
“Haddii dhammaan arrimaha kale ay sii jiraan, waxaan aaminsan ahay in luuqadda Turkigu ay noqon doonto luqadda labaad ee loogu badan yahay dugsiyada, isagoo dhaafi doona luuqadda Carabiga, oo ah luuqadda labaad ee dalka.” ayuu saadaaliyey.
Hadalsame Media