Noocyada ugu badan ee ay kusoo ururtay waxbarashada jaamacadeed ee Soomaalida, sababta & cilladda ku jirta

0

(Hadalsame) 30 Jan 2022 – Soomaalida waxbaratay, gudaha iyo qurbahaba, in badan oo ka mid ahi soddonkii sano ee tagay wax ay bartaan waxa loo yaqaan International Relations.

Waxaasi ma aha maaddo cilmi ah dhab ahaantii, mana ah wax nolosha loo ga baahan yahay. Taa iyo Political Science ma aha wax u qalma in kumanyaal dhallinyaro ahi waqtigooda ku lumiyaan.

Maxay tahay markaa sababta ay Soomaali aad u tiro badani u dhigato? Mar waa fahanka waxbarashada oo dadkeenna badankooda ka qaldan, iyada oo muhimadda la saaro uun in jaamacad la ga baxo, halkii ay muhiim ahayd barashada waxa u gu weyn ee guul nololeed la ga keeni karo.

Mar kale waxaa liidata aqoonta asaasiga ah ee marka horeba ardaygu dugsiga ka la yimaaddo ee u suuragalin lahayd in uu heerka jaamacadeed maaddo muhiim ah ku dhigto, tusaale ahaan culuunta la xidhiidha sayniska iyo xisaabta iyo kuwa fikirka.

Marka saddexaad kolley ogaalkay Yurub ardayda aan dhaladka ahayn waxaa la gu dhiirrigaliyaa aqoonaha aan sayniska ahayn, qof isagu mintid ah mooyee.

Marka u dambaysa Soomaalida dawladnimadu ka burburtay ee hadalhaynta siyaasaddu wax walba noqotay, waxaa naftooda ku weynaatay International Relations iyo Political Science.

Maanta waan la yaabay gabadh ka baxday dugsiga Abaarso oo jaamacad Maraykan ah ka qalinjabisay oo ku faanaysa in ay baratay International Relations.

Reer Joy Isa sow kuwii inna lahaa arday aqoontooda la la yaabo ayaannu idiin soo saaraynnaa? Bal inoo tiriya dadkaa ina waalay carruurta ay soo saaraan waxa ay soo bartaan. Waxbarashada Soomaalidu guud ahaan, gudo iyo debedba, wax ay u baahan tahay dibuhabayn iyo baraarug aad u weyn.

Waxyaabaha kale ee ay Soomaalidu aadka u barato balse aan wax badan ka bedeli karin isle’egta aqooneed ee aadka loogu baahan yahay waxaa ka mid ah Business Administration iyo Human Resources Management (HRM).

W; Q: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media