(Hadalsame) 30 Jan 2022 – Waxaa baraha bulshada la wareejinayaa gabal muuqaal ah oo lasoo jaray oo uu ka hadlayo siyaasiga hoggaamiya Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Dhallinyarada muuqaalkan faafinaya waxay u badan yihiin qaar siyaasiga ku eedaynaya inuu ”eray khalad ah” u adeegsadey Somaliland, kaasoo ah kelmadda ”divorce” oo si ay dadka qaarkood ka ilduufsan yihiin micneyaal badan leh.
Dadka faafinaya waxay kelmaddan u fahamsan yihiin in loola jeedo ”furriin” dhanka qoyska ah oo qura, balse sidaa ma ahane eraygu wuxuu sidoo kale muujiyaa micneyaal kale sida kala tag aan midka qoyska ahayn, sidaa darteed, Warsame kuma khaldana adeegsiga kelmaddan.
LUUQAD AHAAN WAA SAX LAAKIIN SIYAASAD AHAAN SAX MA AHA
Yeelkeede, midda lagu yara duri karaa waxay tahay inuu warka u dhigayo sidii inuu isagu u hadlayo koonfur ama in Dowladda Somalia ay tahay mid metesha koonfurta oo qura oo waa warka ku bilaabaya ”If we are divorcing Somaliland…Somali government believes..”
Waxaa kale oo iyana yara dhaami lahayd oo macquul ahaan lahayd ”If we are divorcing each other…”, taasoo saamaynta magac u yaalka iyo ficilkaba ka dhigi lahayd mid qaybsane ama rogaal ah oo si siman u saamaynaya labada dhinacba.
Yeelkeede, maadaama uu isagu sheegayo inuu yahay hoggaanka xisbi heer qaran ah woqooyiga & koonfurta Somalia, ugu yaraan sharci ahaan waqti xaadirkan, inuu midkoodna si gaar ah isula xiriiriyo dabcan sax ma aha ee waa inuu adeegsadaa magac u yaallo wax jamcinaya amaba xitaa uu adeegsado afcaal majhuul ah (passive), sida ”haddii lakala tegayo iwm”.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media