(Hadalsame) 30 Jan 2022 – Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella, ayaa ogolaaday inuu xilka sii hayo mar labaad kaddib markii xisbiyada isbaheysiga ihi ay ku heshiin waayeen musharaxa ka bedeli lahaa xafiiska.
80-jirkan ayaa ku soo baxay qofka la doorbidayo kaddib lix maalmood oo ay magaalada Roma ka socdeen codaynno xiisadaysan.
Waxa uu muujiyay rabitaan ah inuu ka tago xafiiska, laakiin warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Mario Draghi uu ku qanciyay inuu sii joogo “xasiloonida” Talyaaniga darteed.

Ninkan oo garsoore hore ka ahaan jirey Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa intaa ku daray hadal ah in “Waajibka qaranku uu ka adkaadaa dookhiisa shakhsi ahaaneed” oo ahaa inuu iska howlgabo.
Xisbiyada isbaheysiga talada haya ee Talyaaniga ayaa isku raacay in dib loo doorto Mr Mattarella kaddib markii 7 wareeg oo codbixin ah ay ku guuldareysteen inay soo saaraan musharax kale oo bidaal ah isaga lagu doortay kii 8-aad, waxaana soo shaac baxay kala qeybsanaan hoose oo ka dhex jirta Golaha Wasiirrada oo ka samaysan isbahaysi midig-dhexe ah.
Dad baa is waydiin kara sida 7 wareeg oo ay codeeyeen 1,009 qofood bareejo looga dhigi karo. Waa cashar aysan weli Soomaalidu gaarin oo ila meerayso ah.
Madaxwaynaha Talyaaniga waxaa lagu soo doortaa cod qarsoodi ah oo ay sameeyaan 1,009 ergay oo loo yaqaan Electoral College kana kooban senatorro, xildhibaano iyo qaar ka mid ah ergooyinka gobollada.
80-jirkan ayaana codkaas ka helay aqbaliyad caato ah oo 505 cod, kaddib markii ay isku adkeeyeen axsaabta tirada badan ee Talyaaniga oo ay xitaa ku jiraan kuwii isbahaysiga ahaa, taasoo jug gaarsiin karta Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Mario Draghi.
Talyaaniga oo ah dalka ay Somalia ka baratay siyaasadda ”ila meerayso” qayb badan oo ka mid ah, ayaa weli wax badan ku dhaama Soomaalida marka la eego dhanka maamulka marka ugu yaraan la eego inay qof ku khasabayaan inuu Madaxwayne sii ahaado xilli uu isagu diiddan yahay oo uu xitaa guri ka ijaartey magaalada Roma si uu Madaxtooyada Quirinale Palace uga guuro haddii bidaalkiisa la dooran lahaa.
Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media