(Jabuuti) 30 Jan 2022 – Maxkamadda dhexdhexaadinta caalamiga ah ee London (LCIA) ayaa Jabuuti gorodda u surtey oo ku xukuntay $200,752,000 (Sh23 bilyan) oo magdhow ku meel gaar ah oo la siinayo shirkadda DP World iyo shirkadda howsha la wadaagaysey ee Doraleh Container Terminal, kuwaas oo laga saaray Dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti.
Xukunkani wuxuu daboolayaa muddada u dhaxaysa Febraayo 18, 2018, ilaa Diseembar 31, 2020-kii.
Sida laga soo xigtay shabakadda wararka ee AllAfrica, xuquuqda DP World, sida ku cad heshiiskii 2006-dii, ee ah in ay ku shaqeyso terminaalka ayaa weli ah mid ansax ah, taas oo albaabka u furaysa in DP World dib loo soo celiyo.
Magdhowgani waa khasaaraha ka dhashay la wareegistii ”sharci darrada ahayd” ee ay Dowladda Jabuuti ku qabsatay Dekedda Dooraale bishii February 2018-kii, waxaanay ka kooban tahay saami-qaybsiga shirkadda DP World ee luntay, khidmadii maamulka iyo dulsaarkii, oo dhan $164,594,955, iyo sidoo kale mag-dhowga haraagii lacagta caddaanka ah ee ay dawladda Jabuuti sida sharci-darro ah u qaadatay laga soo bilaabo Doraleh Container Terminal, wadar ahaan $36,158,028, sida lagu yiri xukunka Maxkamadda.
Jabuuti ayaa haatan laga sugayaa inay sanad kasta DP World u shubto adduun dhan $54 milyan oo doollar iyo inay khasab dib ugu soo celiso isla DP World.
Jabuuti oo 2006-dii DP World la gashay heshiis ay 30-sanadood Dekedda ugu wareejisey ayaan marna aqbalin lacagahan lagu xukumay.
Si kastabase, waxay arrintani cashar u tahay maamullo ka jira Somalia oo si sahlan DP World ugu saxiixay isla DP World taasoo keentay inay ku habsato 2 ka mid ah 4-ta dekedood ee rasmiga ah ee Somalia, waloow marka xeerka caalamiga ah la eego ay iyagu haystaan qiil yar oo ah in aanay DP World la macaamilin dowlad rasmi ah oo caalami ah.
Waxaa horay u xumaaday xiriirka DP World iyo ganacsatadii Soomaaliyeed ee Dekedda Boosaaso, halka dhanka Berbera ay beri dhowayd dekeddu xirnayd muddo 2 todobaad ka badan, kaddib markii sidii carwo lasoo jeediyey in ay dadku lacag ku galaan.
Hadalsame Media