XOG: Ciidamo ka imanaya dalal aan horay Somalia u joogin oo kusoo biiri kara Howlgalka cusub ee ATMIS (Waqtiga oo la kordhin karo)

0
Burundian troops with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and their counterparts from the Somali National Army (SNA) have initiated foot patrols in areas east of Baidoa, where the extremist group Al-Shabaab has mounted attacks against villages, local herdsmen and travellers along the busy Baidoa-Mogadishu road. The troops are shown shortly before embarking on a patrol.

(Hadalsame) 29 Jan 2022 – Sida horay loo sheegay hay’ad uu hoggaaminayo Midowga Afrika ayaa xilka kala wareegi doonta AMISOM taasoo muddo labo sano ah mas’uuliyadda amniga ku wareejinaysa ciidamada Ammaanka Soomaaliya, Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa sidaa ku heshiiyey.

Sida uu dhigayo heshiis ay labada dhinac wada galeen kaddib wadahadaladii u dhaxeeyay 7 ilaa 21 Jannaayo, AMISOM waxaa dhaxli doona ciidamo hoostegaya isla Midowga Afrika balse ku meel gaar ah kuwaasoo la yiraahdo ATMIS oo loo igmaday in ay dejiyaan gogol-xaar ay mas’uuliyadda amniga ku wareejinayaan Somalia marka la gaaro December 2023-ka.

“ATMIS waa in ay lahaataa talis qeexan iyo qaab dhismeed xakameyn leh oo awood leh oo leh Talis Dhexe oo howlgal OPCOM (Taliska Howlgalka) si ay u xaqiijiso is-waafajinta istaraatiijiga ah ee hirgelinta STP,” ayaa lagu yiri heshiiskaas.

Yeelkeede, sida uu qorayo Globalobservatory, waxaa soo baxaya xogo cusub oo ku saabsan dalal cusub oo hor leh oo ku jira howlgalkan howlgalka cusub oo ay suuragal tahay in la ballaariyo, waqtigiisana la kordhiyo.

Waxay u muuqataa in Tunisia, Rwanda, iyo gaar ahaan Masar laga baaraandegayo, iyadoo ay Tuniisiya ay bandhig wanaagsan ka samaysay howlgalkii UNAMIR II ee xasuuqii Rwanda, waloow uu hawlgalkaas oo ahaa mid argagax leh, uu ahaa mid gaaban.

Ruwaanda ayaa iyaduna waxay ammaan ku mutaysatay hawlgalladeeda QM iyo AU, balse waxqabadka nabad ilaalineed ee milatariga Masar ayaa si isku mid ah u ahaa mid aad u liita, sida uu qorayo Globalobservatory.

Tan ugu darani waa waqtiga iyo saadaasha natiijada Howlgalka ATMIS oo la doonayo inay ammaanka dalka ku wareejiyaan SNA Diseembar 31, 2023, waloow laga hadlay in 5 snaadood oo kale lagu daro ilaa 2027, balse lafa-gur ammaan oo kale oo soo baxay dabayaqaadii sanadkani uu muujinayo in Somalia aanay wax badani iska bedelaynin 2026-ka, islamarkaana aanay caddayn in xaaladda ciidan ay wax ka bedeli karto xilligaas.

FALANQAYN GAABAN – Somalia ayaan lahayn dabaqad siyaasi ah, hoggaan iyo horseed si mas’uuliyadi ku jirto uga fikira danta guud ee dalka taasoo keentay in 20 sano oo ay ciidamo shisheeye dalka joogeen aan laga shaqaynin sidii dalka la iskugu toosin lahaa si looga boxo gacmaha shisheeye dalkuna u gaaro ammaan iyo horumar buuxa.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media