Xildhibaan Abiib oo markale laga cayriyey kulankii Aqalka Wakiillada & arrin uu kashifay (Daawo)

0

(Hadalsame) 29 Jan 2022Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka mid ah laba xildhibaannada Aqalka Wakiillada oo ka tirsan Baarlamanka Somaliland ayaa saaka markale laga cayriyey qaacada Aqalka.

Abiis oo uu beri dhowayd gacan ka hadal ku dhexmaray isla aqalkan Baarlamanka Somaliland gaar ahaan Aqalka Wakiillada 16-kii Jannaayo, ayaa sharraxay sababta dibedda loogu soo saaray.

”Waxaan shacabka u sheegayaa in arrintani daba socoto arrintii miisaaniyadda, in uu mudane kale inta fadhigiisa kasoo koco uu meeshayda iigu yimaadana waa sharci darro.” ayuu yiri Abiib oo saluugey qaabkii uu arrintaa u maareeyey Guddoonka Aqalka Wakiilladu.

Abiib ayaa sidoo kale sheegay inuu jeexjeexay warqad loo qoray si aan waafaqsanayn nidaaminta Aqalka oo ah in mudanayaasha loo qoro sida ay hadba u kala horreeyaan, isagoo ku doodaya in la qoray xildhibaan isaga ka dambeeya jeer magaciisa laga boodey.

Abiib ayaa dhanka kale kashifay in aan Aqalka Wakiilladu gebi ahaanba lahayn xeer-hoosaadka anshaxa.

Hadalsame Media