(Hadalsame) 29 Jan 2022 – Guddiga Doorashada ee Maamul-goboleedka KG Somalia ayaa shaaciyey qabashada doorashada 13 kursi oo ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxayna Koonfur Galbeed sidaa ku tahay maamulkii ugu horreeyey ee dhaqangeliya ee doorashada ka dhacaysa maamullada lagu dhigo laba degaan doorasho, kaasoo ka mid ahaa qodobbadii heshiisyadii doorashada, waloow ay jireen madax doonaysey in hal magaalo lagu soo koobo.
Kuraasta la soo bandhigay ayaa kala ah:- HOP#016, HOP#044, HOP#155, HOP#150, HOP#151, HOP#152, HOP#153, HOP#160, HOP#161, HOP#250, HOP#080, HOP#165 iyo HOP#173 kuwaas oo lagu wada dooranayo magaalada qadiimiga ah ee Baraawe.
Kuraasidan ayaa waxaa horay ugu fadhiyey xubnaha kala ah:
HOP#016: Aamina Sheekh Cismaan.
HOP#044: Safiyo Xasan Nuur.
HOP#155: Jawaahir Cadaawe Cabdi.
HOP#150: Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooley).
HOP#151: Xuseen Cali Cabdalla.
HOP#152: Cabdullaahi Cumar Abshir.
HOP#153: AHUN Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Cali.
HOP#160: Nuur Siidow Baaba.
HOP#161: Sayid Cali Cabdulqaadir Macalim.
HOP#250: Maxamed Siciid Cabdullaahi.
HOP#080: Maxamed Cumar Dalxa.
HOP#165: Saalim Caliyow Ibrow.
HOP#173: Cismaan Xaaji Cali.
Beelaha ku tartamaya ayaa sidoo kale sidan noqonaya:
4 = kursi (Biimaal) 3=kursi (Jiido) 2 = Kursi (Garre) 2 = Kursi (Baga) 1 = Kursi (Wadalaan) 1 = Kursi (Hintire)
Marka la eego sida ay beeluhu ugu tartamayaan waxaa meesha ka maqan beelo badan oo gobolka deggan.
Hadalsame Media