”Haddii ay taasi dhacdo dagaal huri mayno!” – Shiinaha oo Maraykanka uga digey tillaabo uu qaadi rabo!

0

(Washington, DC) 29 Jan 2022 – Safiirka Shiinaha ee Maraykanka ayaa ka digey in Beijing iyo Washington aysan dagaal huri doonin, haddii tan dambe ay Taiwan ku dhiirigeliso inay ku dhawaaqdo madaxbannaani, isagoo ku tilmaamay Taipei inay tahay “meesha uu ka xumaan karo” xiriirka ka dhexeeya dalalkan.

“Haddii maamulka Taiwan, oo taageero ka helaya Mareykanka uu qaado dariiqa madaxbannaanida, waxay u badan tahay inay dagaal millateri ku lug yeelan doonaan Shiinaha iyo Mareykanka, oo ah laba cududood oo waawayn,” ayuu Danjire Qin Gang wareysi ku siiyay raadiyaha NPR kaasoo la sii daayay Jimcihii.

Faalladan ayaa ka imanaysa wareysigii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee uu Qin siiyo warbaahin Mareykan ah tan iyo markii uu qabtay shaqadiisa Danjiraha Washington bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

NPR oo ah idaacad ay Dowladda Maraykanku qayb ahaan maalgeliso, ayaa digniintan ku tilmaamay mid aan caadi ahayn maadaama ay saraakiisha Shiinuhu inta badan sogordihi jireen ama erayo diblomaasiyadaysan adeegsan jireen marka ay moowduucan ka hadlayaan.

Tusaale ahaan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha, Wang Yi, ayaa horraantii todobaadkan u sheegay dhiggiisa Maraykanka, Antony Blinken, in Washington ay tahay inay “joojiso inay dab ku ciyaarto marka ay timaaddo arrinta Taiwan.”

“Aan adkeeyo tan,” danjire Qin ayaa u sheegay NPR in Shiinuhu uu Taiwan u arko dhul “muqadas ah”, Beijing-na waxa u dhowran dookh fursad u siinaya inay xitaa xoog dib ugula midoobi karto Taiwan haddii ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo madaxbannaani,” ayuu sheegay.

Qin wuxuu ku adkeystay in dowladda Shiinaha aysan dooneyn inay weerarto Taiwan. “Dadka ku nool labada dhinac ee marin-biyoodka Taiwan waa Shiine, marka waxaan nahay dad jaallayaal ah. Waxa ugu dambeeya ee aanu samayno waa in aanu la dagaalanno dadka aanu walaalaha nahay, waxaanan ku dedaali doonaa sida ugu daacadsan ee aan ku gaari lahayn sidii aannu dib ugula midoobi lahayn qaab nabdoon”. ayuu raaciyey.

Mawqifka rasmiga ah ee Washington ee arrintan ayaa ah in ay wali ka go’an tahay siyaasadda “Hal Shiine”, taasoo la macno ah in aanay Taiwan u aqoonsanayn dal madax bannaan.

Yeelkeede, sida sarkaal ka tirsan Pentagon-ka u sheegay Congress-ka sannadkii hore, Maraykanku wuxuu aaminsan yahay in Shiinuhu uu qorsheynayo inuu xoog ku qabsado Taiwan wuxuuna u arkaa xoojinta difaaca Taipei inay tahay “howl loogu baahan yahay si degdeg ah.”

Hadalsame Media