(Muqdisho) 29 Jan 2022 – Danjiraha cusub ee ay Maraykanku usoo direen Somalia ayaa DF ula dhaqmay si ka duwan Danjirayaasha kale.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soaalia, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomey Safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Somalia, Lary Andre, oo todobaadki hore soo gaarey caasimadda dalka ee Muqdisho.
Yeelkeede, Danjiraha ayaa si ka duwan dhammaan madaxda iyo diblomaasiyiinta kale ee qalaad guud ahaan, gaar ahaan Galbeedka waxaa waraaqaha aqoonsiga looga guddoomay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Lama oga inuu la kulmi doono MW Somalia ee xil-gaarsiinta ah oo shaqadan isagu rasmiyan u leh iyo inuu tegi doono Madaxtooyada gebi ahaanba.
Danjire Lary Andre ayaa bedelaya Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyi jirey Muqdisho, Donald Yamamoto.
Hadalsame Media