(Washinton, DC) 29 Jan 2022 – Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu kansalayo 130 milyan oo doolar oo gargaar millateri ah oo uu siin lahaa dalka Masar sababo la xiriira xuquuqul insaanka, iyadoo tallaabadan ay imaaneyso maalmo uun kaddib markii maamulka Biden uu ansixiyay $2.5 bilyan oo hub ah oo laga iibinayo isla waddankan ku yaal Woqooyiga Afrika.
Qaahira ayaa ku guuldareysatay inay buuxiso dhammaan shuruudaha ”xuquuqul insaanka” ee ay Washington dejisay si ay ugu qalanto jeegaggan qaaliga ah, sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku ku dhawaaqday Jimcihii.
“Kaddib Janaayo 30, xoghayuhu wuxuu ku tala jiraa inuu meelo kale u wareejiyo 130ka milyan ee doollar oo loo qoondeeyo arrimaha kale ee mudnaanta leh ee amniga qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay WAD, iyada oo aan faahfaahin laga bixin waxa mudnaantaasi noqon karto.
Bishii Sebtembar, Xoghayaha Arimaha Dibada, Antony Blinken, ayaa wuxuu iftiimiyay $300 milyan oo doollar oo gargaar millateri ah Masar loo fasaxayo, laakiin wuxuu hakiyay $130 milyan oo kale shuruud ah in waddanku buuxiyo “dalabaadka xuquuqda aadanaha” dhamaadka Janaayo.
Xukuumada Madaxweyne, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa lagu eedeeyaa in ay dhaqan galisay olole ballaaran sanadadii lasoo dhaafay kaas oo ka dhan ah Islaamiyiinta iyo dhaqdhaqaaqayaasha calmaaniyiinta ah ee ku lugta lahaa Kacdoonkii Guga Carabta ee 2011-kii ee lagu riday hogaamiyihii kali-taliska ahaa ee mudada dheer dalkaa xukumayey, Hosni Mubaarak.
Maraykanka oo hoosta ka taageerayey afgembigii Siisi ayaan sidoo kale marna ka hadlin sidii loogu tacaddiyey MW Mursi oo si bahdil ah loola dhaqmay ilaa uu ku dhex dhaco qafis xiran xilli ay maxkamadi ku socotey isagoo in yar kaddib la sheegay inuu dhintay 17-kii Juun 2019-kii.
Hadalsame Media