Xaalado bahdil ah kuwii ugu xumaa oo ka jira Gobolka Tigreega (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 29 Jan 2022 – Qaar ka mid ah kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo dhakhaatiirta ka hawlgala cisbitaalka ugu wayn gobolka Tigreega ee ay dagaalladu aafeeyeen ee Itoobiya ayaa ku khasbanaaday inay dawarsadaan cunto ay naftooda ku ceshadaan, sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah dhakhaatiirtu.

Muddo 8-bilood ah ayaysan wax mushaar ah qaadan, taasoo ku khasabtay inay raadiyaan siyaabo kale oo ay ku taageeraan qoysaskooda, sida uu yiri dhakhtarku.

Hadalka dhakhtarkan ayaa imaanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in “gaajo darani” ay ku dhufatay dad badan oo ku nool Gobolka Tigraay.

Waxay QM intaa raacisay in 2.2 milyan oo qofi “ay la ildaran yihiin cunto la’aan aad u ba’an”.

Kala bar dhammaan haweenka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya ayaa la ildaran nafaqo-xumo iyadoo ay carruur yar yari baahi u go’een, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP.

Guud ahaan, Gobolka Tigraay iyo labada gobol ee kale ee ay saameeyeen bilihii dagaalku socday, sida Axmaarada iyo Canfarta, ayay 9 milyan oo qofi aad ugu baahan yihiin gargaar cunto, ayay WFP ku dartay.

Hadalsame Media