(Hadalsame) 29 Jan 2022 – Markii wadahadalkii laba toddobaad kahor u dhexeeyay Ruushka iyo Maraykanka iyo xulafadiisa reer Yurub uu ku dhammaaday natiijo la’aan, waxaa bilowday fan-hadal colaadeed oo ay Galbeedku shidayaan.
Falanqeeyayaasha Maraykanku waxay ku doodayaan in Ruushku sii wado ururinta iyo dumitaanka millatariga dalkaasi ee xuduudaha Ukraine.
Sawirradu xaqiiqdii waa kuwo laga naxo oo diiradda la saarayo dareen hal dhinac oo Galbeedka ah oo soo gaabinaya rajada laga qabo xallin loo maro wadiiqo diblomaasiyadeed si xiisaddan loo dejiyo.
Dhanka Ruushka, falanqaynta badankood waxay ka kooban yihiin laba gunaanad:
Midda koowaad waa shaki laga qabo in cududda mlilitariga Ruushku ay heshay dardar aan la joojin karin oo khasab ka dhigaysa dagaal dhaca, taasoo uu waqtigu sheegi doono.
Midda labaad, waa in Madaxweyne Vladimir Putin uu jeclaan lahaa inuusan dagaal furan gelin balse uu ka badbadiyay oo uu ku khasban yahay inuu weeraro Ukraine ama uu ka laabto balse loo arko mid daciif ah.
Labaduba waa khaldan yihiin. Waxaan ay dad badani weli aaminsan yihiin in dagaal dhaca lagu baajin karo door dibloomaasiyadeed.
Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media