(Muqdisho) 29 Jan 2022 – Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliiska ayaa soo qaaday arrinta ku saabsan Suuqa Bakaaraha oo la sheegay in qaybo ka tirsan ay u xirmeen lacago baadan ah oo ay ka doonayso kooxda Daacish ee dhuumaalaysiga inta badan ku joogta dalka.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay 2 saldhig ku yaallaan Suuqa Bakaaraha sidaa darteed ay iyaga lasoo xiriiraan haddii goobohooda la xiro.
”Qof kasta oo Bakaaraha ku ganacsanaya waxaa 1 KM u jira Saldhig Booliis,” ayuu yiri Afhayeenku waloow uusan sharrixin sida ay xisaab ahaan taasi u suurtageli karto maadaama 2 saldhig aysan kala gaari karin mid ka mid ah suuqayada ugu waawayn Afrika.
Wuxuu kaloo u gooddiyey dadka ganacsatada ah oo uu sheegay in aan laga aqbali doonin inay goobohooda ganacsi xiraan, isagoo aan soo bandhigin qorshe ammaan oo lagu sugi karo ammaanka dadwaynaha oo ay arrintoodu sii dhereran tahay meel ka baxsan suuqa oo qura.
”Cid kasta oo suuqa ku xirta amar aan ahayn midka DF waxaan u aqoonsan doonnaa mid ka mid ah kooxaha kasoo horjeeda amniga Somalia.” ayuu raaciyey Afhayeenka oo qaab siyaasadeed uga hadlaya xaaladda oo uu ku tilmaamay mid ”caadi ah.”
Hadalka aan bislayn ee Afhayeenka ayaa 3-dii culays ee horay u saarnaa suuqaas ku daraya mid 4-aad oo xaalad ”car fur, car xir ah” gelinaya ganacsatada.
Hadalsame Media