Ururka Midowga Afrika oo ka wada xaajoonaya arrin ka caraysiin karta Israel (Somalia maku jirtaa?)

0

(Addis Ababa) 28 Jan 2022 – Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ka wada hadli doona sidii Israa’iil loogala noqon lahaa maqaamka korjoognimo ee Ururka Midowga Afrika inta lagu guda jiro shir-madaxeedka soo socda ee Midowga Afrika 5-ta Febraayo.

Ilo-diblomaasiyadeed oo Aljeeriyaan ah ayaa sheegaya in dadaallo uu dalkiisu sameeyay bilihii la soo dhaafay ay ku guulaysteen in ajendqaha lagu daro arrinta Israa’iil looga saarayo goobjoognimada shirarka Midowga Afrika, marka uu furmo shir-madaxeedka 35-aad ee Afrika iyo shirka Madaxweynayaasha Afrika ee lagu qabanayo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

“AlgeEriYa waxa ay wali isku dubbaridaysaa mOwqifyada dalalka Afrika iyo Carabta ee xubnaha ka ah ururka, si ay Israel ugala noqdaan maqaamkii kormeeranimmo, kaas oo ay ku heshay hal go’aan maamul oo uu qaatay hal sarkaal ka tirsan Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri ilo diblomaasiyadeed.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Safaaradaha toddobo waddan oo Carbeed oo xubin ka ah Ururka Midowga Afrika, oo kala ah Algeria, Masar, Comoros, Tunisia, Djibouti, Mauritania iyo Libya, ayaa waxay u gudbiyeen Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki, qoraal isfaham ah oo ay kaga soo horjeedaan go’aanka ah in Israa’iil laga aqbalo inay goobjooge ka noqoto ururka.

Xubnuhu waxay dalbadeen in go’aankaas laga doodo, maadaama codsiga Israa’iil aan loo tixgalinayn nidaamka Midowga Afrika, isla markaana aanay jirin wax wada-tashi ah oo ay xubnaha ururkaasi ka yeesheen, “Taas oo ka dhigan khalad hab-raacn iyo xad-gudub siyaasadeed oo aan la aqbali karin oo uu ku kacay Guddoonka sare ee ururku”.

Somalia ayaan ku jirin dalalka galaangalkan wada mana la yaqaanno sababta maadaama aanu jirin xiriir diblomaasiyadeed oo abid dhexmaray Somalia iyo Israel.

Hadalsame Media