(Hadalsame) 28 Jan 2022 – Barnaamijka Uppdrag Granskning ee ka baxa hilinka SVT ayaa warbixin dabagal ah ka diyaariyey xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Tjäna Ängar oo ka tirsan Borlänge. Soomaalida & ardayda caalamiga ah ayaan wax ka waydiinaynaa markah hore.
’’Waxay ila tahay in barnaamijku uu Tjäna Ängar ka bixinayo sawir aad u sirgaxan, sawir rajo la’aan ah ayay ila tahay.” ayay tiri Karin Örjes (C) ) oo kana mid ah Golaha Degaanka Borlänge oo ay weliba ugu xilsaaran tahay dhanka arrimaha bulshada.
Mursal Ciise (MP) waa siyaasi Soomaaliyeed islamarkaana ah Guddoomiye Xigeenka 2-aad ka ee Baarlaman-goboleedka Dalarna oo ay hoos tagto degmada Borlänge, isagoo sidoo kale ah Guddoonka Hiddaha iyo Tacliinta ee Gobolka, wuxuuna ka jawaabayaa doorka ay siyaasi ahaan gabeen iyagu.
Hadalsame Media