Siyaasiyad reer Galbeed ah oo ka hadashay cunto Soomaali ay jeceshahay (Waa nooc ay Soomaalida lafteedu jeceshahay)

0

(Hadalsame) 28 Jan 2022 – Lizzie Walker oo ah Madaxa Xafiiska UK ee Hargaysa ayaa ka hadashay inay jeceshahay cunto Soomaaliga iyadoo weliba magacowdey nooca ay jeceshahay.

”Todobaadkii ugu horeeyey oo wanaagsan (ayaan ku qaatay) Hargeysa. Soo dhowayn diirran oo saaxiibtinimo leh ayaan ka helay qof kasta,” ayay tiri Lizzie.

”Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan waa dhadhanka ugu horreeya ee hilibka geela iyo shaah Soomaaliga!” ayay raacisay.

Hadalsame Media