Turkiga oo kaddib daroonnada lasoo baxay awood kale oo farqi wayn dhalin doonta

0

(Hadalsame) 27 Jan 2022 – Kaddib markii ay ku guulaysteen horumarinta, ku shaqaynta iyo dhoofinta dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee daroonka (UAVs), Turkigu wuxuu isku diyaarinayaan mustaqbalka dhow guul taasoo kale ah oo dhanka maraakiibta yar yar ah ee quusa ah.

Cilmi-baaraha dhanka difaaca iyo badaha ah ayaa sheegay in arrintani “ay wax wayn ka bedeli karto” oo ay guul u dhiganta daroonnada siinayso Turkiga si uu u ilaashado baddiisa  “Blue Homeland”.

Kozan Selçuk Erkan, oo ka mid ah khubarada sida dhow ula socota horumarkan, ayaa isagoo ka hadlaya xirfadaha dhismaha gujisyada ee Turkiga, waxa uu u sheegay warbaahinta dowladda ee TRT Haber “in uu jiro hab xasilloon oo qoto dheer oo waafaqsan ruuxa aaladaha quusa.”

Wuxuu sheegay in Ankara ay heshay habkan istaraatiijiga ah iyada oo ay ugu wacan tahay barnaamijyada horumarinta farsamada badda hoostiisa oo socdey ilaa 1980-meeyadii, Erkan waxa uu tilmaamayaa in heerar degaan oo badan iyo xirfado cusub oo wax soo saar la helay haatan.

Iyada oo la horumarinayo gujisyada nooca Reis – oo ah kuwo isticmaalaha hannaan wax tuura oo aan hawo u baahnayn, wuxuu xusay in wershadaha waddanku ay gaareen heerar aad u sarreeya, sida uu yiri Erkan.

Isagoo ka faalloonaya maraakiibta yar yar, Erkan wuxuu hoosta ka xarriiqay in maraakiibta yar yar ee quusa, iyadoo ay ugu wacan tahay dabeecadooda, ay aad u adkaan doonto in la horumariyo sababtoo ah hannaanadooda hoose ee faraha badan ayaa loo baahan yahay in loo dhiso qaybo yaryar ahaan.

”Laakiin hadda warshadeennu waa xamili karaan samaynta maraakiibtan.” ayuu ku dooday.

Waxa uu sheegay in gujisyadan yar yar ee loo yaqaan STM-500, oo ay samaysay STM oo hore kaalin muhiim ah uga qaadan jirtay horumarinta maraakiibta nooca Reis, ay noqon doonto madal muujinaysa in farsamada Turkiga ee maraakiibta noocan ihi ay tahay mid aad u heer sarraysa.

Hadalsame Media