(Hadalsame) 27 Jan 2022 – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa hoggaamiyeyaasha Cuba, Venezuela, iyo Nicaragua kula heshiiyey dhismaha iskaashi xooggan oo dhinacyo badan leh, oo ay ku jiraan xoojinta iskaashiga millateri, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Dibedda Sergey Lavrov.
Isagoo shalay Arbacadii hadlayey mar uu ka soo muuqday Duma – Baarlamaanka Ruushka – Lavrov wuxuu sheegay in Putin uu dhowaan la hadlay hoggaamiyeyaasha saddexda waddan ee Bartamaha Ameerika, ayna ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed.
“Madaxweyne Putin waxa uu dhawaan wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay asxaabtiisa saddexdan dawladood, kuwaas oo aanu aad isugu dhownahay oo aanu saaxiibo nahay, waxaanay ku heshiiyeen in aynu eegno habab dheeraad ah oo aan ku sii xoojin karno iskaashi istaraatiiji ah oo dhinacyo badan,” ayuu yiri Lavrov.
Waxa uu xusay in Ruushku uu horeba xiriir dhow oo dhinacyo badan ula leeyahay dalalkan, “kaas oo ay ku jiraan milliteriga iyo farsamada-ciidamada.”
Mar Lavrov oo wax laga weydiiyay rajada kordhinta iskaashiga millateri ee saddexda dal, ayaa ku jawaabay, “mustaqbalka dhow, waxaanu kulamo joogto ah la geli doonnaa guddiyada nala gudboon ee noo dhigma.”
Horaantii bishaan, ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda Moscow, Sergey Ryabkov, ayaa wax laga weydiiyay suurtagalnimada in ay ciidamo u dirayaan Latin America, wuxuuna diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimadaasi.
“Waa qaabka Ameerikaanka in la helo dookhyo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda arrimaha dibedda iyo millateriga,” ayuu yiri isagoo xusay in tusaale ahaan ay halkaa u diri karaan Ciidamada Badda ee Ruushka, haddii uu sii socdo cadaadiska milliteri ee Maraykanku nagu hayo.”
“Balse ma doonayno taas oo ma aha dookheenna 1-aad. Diblomaasiyiintu waa inay heshiis gaaraan.” ayuu raaciyey, iyadoo ay arrintani welwel istaraatiji ah gelin doonto Maraykanka oo 90 mayl oo qura u jira gasiiradda Cuba.
Waxaa horay u dhacday in dunidu ay ku sigatay dagaal nukliyeer ah oo dhexsada Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeto oo 13-maalmood isku mari la’aa qorshe ay Soofiyeetku ku doonayeen inay Cuba ku xiraan gantaalaha nukliyeerka xambaara bishii Oktoobar 1962.
Hadalsame Media