Ruushka oo markii ugu horreeysey muujiyey moowqif cad oo ku saabsan weerar uu ku qaado Ukraine

0

(Moscow) 27 Jan 2022 – Khatarta dagaal furan oo u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine waa mid ay buunbuuninayaan dowladaha reer galbeedku, kuwaas oo u muuqda inay si firfircoon uga shaqaynayaan sidii uu dagaal u dhici lahaa, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa goor dhoayd oo Khamiistan ah sidaa sheegay, isaga oo intaa ku daray in Moscow iyo Kiev midkoodna aanu doonaynin xaalad noocaas ah.

Faalladan ayaa timid xilli uu xogsiin maalinle ah bixinayey afhayeenka, Alexey Zaytsev kaasoo soo xigtay hadallo ka soo baxay saraakiisha ugu sarreysa ammaanka Ukraine, kuwaas oo hoos u dhigay khatarta waxa loogu yeero gardarrada Ruushka, taasoo caddayn u ah in xiisadda hadda sii kordheysa ay hurinayaan reer Galbeedku, sida uu uu u dhigay.

“Qarankeenu wuxuu sidoo kale si isdaba joog ah u sheegay inaanan wax niyad ah u haynin inaan cidna weerarno,” ayuu yir. “Waxaan u aragnaa fikradda ah in dadkeenu ay dagaal furan isaga hor yimaadaan mid aan la aqbali karin.” ayuu raaciyey.

Ukraine waxa ay sheegtay in Ruushku aanu hadda awood u lahayn in uu duulaan ku qaado iyaga.

Iyadoo Kiev iyo Moscow ay doonayaan inay iska ilaaliyaan colaadda, “maalgeliyeyaasha shisheeye ee Ukraine waxay leeyihiin fikrado kale waxayna u muuqdaan inay go’aansadeen inay hirgeliyaan xaalad dagaal oo ah inuu Ruushku weeraro Ukraine,” oo ay wajahaan deeto wajahaan aargoosi ka yimaada reer galbeedka, ayuu sarkaalka Ruushku ku daray.

Guud ahaan Ruushka ayaan doonayn inuu weeraro Ukraine, balse waxaanu sidoo kale aqbali doonin in Ukraine ay ku biirto NATO sababo istaraatiji ah dartood.

Hadalsame Media