(Hadalsame) 27 Jan 2022 – Ra’iisul Wasaare Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda DF Itoobiya, Demeke Mekonnen, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirkooda iyo xaaladaha ka taagan dalka Itoobiya, sida lagu yiri war lagu faafiyey Wakaaladda FANA.
Waxay si gaar ah uga wadahadleen qodobbada iskaashiga ah ee ku aaddan Howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ay ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ka qayb qaadanayaan.
Demeke oo ka hadlay xaaladaha ka taagan dalka Itoobiya ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay dadaallo nabadeed oo uu sheegay in ay dowladdiisu beryahan dambe waday.
Wuxuu soo hadal qaaday go’aankii ay DF Itoobiya ku hakisay in ciidamadeedu ay soo galaan gobolka Tigraay, xabsiga laga sii daayey shakhsiyaadka sare ee siyaasadda u xirnaa iyo soo jeedinta wada-hadal loo dhan yahay oo looga gol leeyahay in lagu gorfeeyo laguna xalliyo su’aalaha da’da wayn ee heer qaran.
”kooxda TPLF ayaa sii waday in ay iska indho tirto samaha dadka ku dhaqan Tigraay iyaga oo weerarro hor leh ku qaaday magaalada Abaa’ala ee gobolka Canfarta, taas oo hor istaagtay in ay sii socdaan howlihii bini’aadminnimada.” ayuu yiri Wasiirka Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale u mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aan uu ku tilmaamay mid ”sax ahaa” ee ay qaadatay intii lagu guda jiray shirkii gaarka ahaa ee looga hadlayay arrimaha Itoobiya oo ay soo bandhigtay hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee Geneva oo fadhi ka yeelatay.
Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Demeke sida wanaagsan ee uu uga warbixiyey dadaallada nabadeed ee ka socda Itoobiya, wuxuuna ballanqaaday in uu sii xoojin doono xiriirka labada dal iyada oo loo marayo iskaashi ka ballaaran intii hore.
Itoobiya ayaa marar badan ku mashquuli jirtey arrimaha gudaha Somalia, balse maanta isla Itoobiya ayaa arrimeheeda gudaha uga sheekaynaysa Somalia, abaalna ku qabta in yar oo asxaan ah.
#Ethiopia: DPM Demeke Mekonnen receives Foreign Minister of #Somalia Abdisaid Muse Ali https://t.co/ru6zOVKYG7 pic.twitter.com/KePPQLkA0L
— FBC (Fana Broadcasting Corporate S.C.) (@fanatelevision) January 27, 2022
Hadalsame Media