(Muqdisho) 25 Jan 2022 – Waxaa shirkii Wadatashiga Madasha Qaranka ee dhowaan lagu soo abyey magaalada Muqdisho laga soo saaray 18 qodob oo ay ku jirtey in doorashada lagu soo afmeero 25-ka Febraayo.
Ilaa haatan se waxaa la doortay 28 Xildhibaan tan iyo markii lasoo saaray jadwalka doorashada oo loo qabtay in 40 maalmood lagu soo gabagabeeyo, taasoo ka dhigan in 10 maalmood lagu doortay 28 Xildhibaan lagu doortay
Su’aashu waxay tahay haatan, malaga yaabaa in 30 maalmood ee ka dhiman 25-ka Febraayo lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka? Waqtiga ayaa ka jawaabi doona.

Jaantuska: Cabdi Baaruud
Hadalsame Media