(Hadalsame) 24 Jan 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa amray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Conservative-ka ahaydna wasiir hore, Nusrat Ghani, oo jeedisey eedeymo ah in xilka wasiirnimo looga eryay sababo la xiriira diinta Islaamka.
Warkan kaddib, Ghani ayaa ku soo qortay Twitter-ka inay soo dhawaynayso go’aanka, baaritaanka “waa inay ku jiraan dhammaan wixii lagu sheegay Downing Street iyo qaybta ilaalinta hab-raaca Xisbiga.”
Ghani ayaa Sabtidii sheegtay in looga eryay xilkii wasiirnimo sababo la xiriira diinteeda Muslimka ah. Xildhibaankan oo 49-jir ah ayaa xilka Wasiirka Gaadiidka laga eryay bishii Febraayo 2020-kii kaddib isku shaandheyn la sameeyey markii uu iska casilay Sajid Javid oo ahaa Wasiirka Khasnadda UK.
Waxay sheegtay in qaybta ilaalinta hab-raaca xisbigu u sheegay in “Muslimnimadeeda loogu soo hadal qaaday ajende ahaan” kulan ka dhacay Downing Street iyo in “maqaamkeeda ka wasiirad haween ah oo misna muslim ah ay saaxiibada qaar ka dareemeen culays.”
Waxa ay sidoo kale sheegtay in loo sheegay “inuu jirey walaac ah in aanay si ku filan daacad ugu ahayn xisbiga maadaama aanan sameyn wax loo qaateen ah marka ay timaaddo in aan xisbiga ka difaaco eedeymaha Islaam nacaybka ah ee loo jeediyey.”
Hadalsame Media