(Teipei) 24 Jan 2022 – Gantaalka Cruise-ka ee YJ-12 ee ay haystaan Ciidanka Badda Shiinaha ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu wax ku oolsan uguna awoodda badan ka-hortagga maraakiibta adduunka, isagoo 4 jeer guuxiisa ka dheereeya islamarkaana wax ka dili karaa masaafo dhereran 400km halis waynna ku ah wax kasta oo saaran oogada badda.
xawaaraha Mach 4 oo aad u sarreeya iyo masaafo dhan 400km iyo jihada qulqulka badda si uu khatar weyn ugu hayo maraakiibta dusha sare ee cadowga.
Waxaa loo maleeynayaa in uu soo galay adeegga Ciidanka Shiinaha ku dhowaad horraantii 2014-kii, gantaalkan ayaana loo arkaa in uu yahay halis horudhac ah oo ku wajahan Maraykanka iyo maraakiibta dagaalka ee xulafada la ah haddii ay dhacdo iskahorimaad lala galo PLA.
Gantaalkani waxa uu bandhig fooska ka leeyahay gantaalaha reer galbeedka ee isaga u dhigma sida Harpoon iyo Exoset kuwaas oo ay si weyn ugu tiirsan yihiin Maraykanka iyo xulafadiisu.
Kaddib markii ay sare u kacday xiisadda ka taagan marin-biyoodka Taiwan Strait, taliyeyaasha Ciidamada Badda Taiwan Chen Yi-cheng iyo Luo Zhen-yu ayaa ka digay in gantaalka YJ-12 uu caqabad wayn ku yahay Ciidamada Badda Taiwan hadii uu dagaal ka dhaco marinkan ciriiriga ah.
Writing for the Taiwanese military’s bimonthly Navy Professional journal they stressed: “The Taiwan Strait is no longer a natural barrier to deter a growing and powerful PLA from across the waterway, and none of the Taiwan warships is able to deal with the powerful YJ-12.
Maqaal ay ku qoreen joornaalka Ciidamada Badda ee Taiwan ee laba biloodlaha ah ee Navy Professional, waxay ku nuuxnuuxsadeen: “Marinka Taiwan hadda kaddib masii noqon doono caqabad dabiici ah oo aannu uga hortagno PLA-da xoogga badan, mana jiro markab dagaal oo ay leedahay Taiwan oo awood u leh inay la tacaalaan gantaallka YJ-12 ee xoogga badan.”
In such a military disparity, the Taiwanese military has to carefully assess its position and try to come up with innovative and asymmetric strategies to hit the enemy’s weakness.”
”Marka uu jiro kala duwanaanshiyaha millatari ee noocaas ah, Ciidamada Taiwan waa inay si taxadar leh u qiimeeyaan booskooda oo ay isku dayaan inay la yimaadaan xeelado iyo istaraatijiyado cusub oo aan toos ahayn si ay cadowga ugu dhuftaan meelaha uu ka liito.” ayay raaciyeen.
Kaanga darane gantaalka la sheegayaa maba aha midka haatan ugu daran kuwa kuruuska ah ee badda ee waxaa sidoo kale jira YJ-18 kaasoo ay isla Shiinuhu samaysteen oo wax ka dili kara 550-600km kaasoo ay sidaan maraakiibta dagaalka ee Type 055 iyo Type 052D ee wax burburiya.


Hadalsame Media