(Hadalsame) 22 Jan 2022 – Bandhig sameeyaha caanka ah ee Steve Harvey ayaa khamiistii ku dhawaaqay inuu taageeri doono gabadha Kenyan-ka ah ee dhanka internetka caanka ka ah ee Elsa Majimbo ee dooneysa inay adduunka ku qabsato kaftankeeda iyo maaddeeda.
Isagoo ka hadlayay intii uu socday bandhigiisa Steve on Watch oo ay lafteedu kasoo qaybgashay, Harvey waxa uu sheegay in uu waligiis doonayay in uu noqdo qof meesha ka saara farqiga u dhexeeya Afrika iyo Afrikaan-Maraykanka waxa uuna ku dhiiri galiyay Majimbo in ay istaagto riyooyinkeeda.
“Sidan ayaan kuu samayn doonaa…waxa aan ku korsanayaa ilmo aan abti ahaan,waxa aan ku siin doonaa lambarka teleefankayga… Waxba igama gelin wax kasta oo aad u baahan tahay, waxaanse ku siinayaa Waxaad u baahan tahay. Haddaad meel aaddo, haddaal talo u baahan tahay…wax kasta oo caawimo ah…Waana iga dhab.” ayuu yiri Harvey oo sheegay inuu isu arko adeer u jooga Maraykanka.
Majimbo oo ku soo barbaartay dalka Kenya kadibna u guurtay dalalka Koonfur Afrika iyo Maraykanka ayaa sheegtay in ay hibadeeda dhanka maadda ah ku ogaatey dugsiga sare, muuqaalkeedii ugu horreeyayna si wanaagsan ayuu uga soo muuqday khadka internetka oo wuu aflaxay.
Hadalsame Media