(Muqdisho) 21 Jan 2022 – Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Senatar Cabdi Cismaaciil Samatar, sidoo kale Boqor Buur Madow ayaa ku baaqay in la hakiyo Jadwalka Doorashada Xildhibaannada Woqooyiga iyagoo ku doodaya in la boobayo.
Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen RW Rooble oo ay ku eedeeyeen inuu dhinac marayo hab-raacii doorashada iyo dadkii ay taladu ka go’dey.
”Waxaa doorashadan laga qaaday Madaxwaynaha waxaana loo dhiibey Raysal Wasaaraha balse wuxuuba ka daray Madaxwaynaha,” ayuu yiri Senatar Cabdi Cismaaciil Samatar oo sidoo kale baaq u diray beesha caalamka.
“Riwaayad ayaa laga dhigayaa Villa Somalia ninkii Raysal Wasaaraha ahaana waxuu noqday kud ka guuro qanjo u guur ilmo adeeradiisa ayaa amarka bixiya.” ayuu daba dhigay eeddiisa.
Si kastaba, doorashada DF Somalia ayaa qalalaase xun ku jirta iyadoo ku socota meermeerto dilaysa sharciyaddeeda, dhibka kale oo jira ayaana ah in aanay dadku diidanayn sharci darrada socota guud ahaan marka ay dani ku jirto, balse uu qof kasta hadlayo marka ay isaga ka hor timaado.
Tusaale ahaan, siyaasiyiinta reer woqooyiga ayaan ka hadlin qaabkii loo doortay Aqalka Sare oo ay ka muuqatey in si wayn wax loo musuqayo, iyadoo ay dadka qaar doorteen dad wejiyada qarsanaya, halka la arkayey qof dadka codaynaya la socda oo tusaya wax loo qaatay cidda ay u codaynayaan.
Hadalsame Media