”Inta aan magaca Soomaali wadanno jahawareer ka bixi mayno!” – Sucaad Odowaa oo soo jeedisey in la tuuro magaca Somaliland!!

0

(Hadalsame) 21 Jan 2022 – Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye), oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa soo jeedisey in Somaliland laga baddelo magaca ay haatan wadato si ay u fududaato inay ka go’do Soomaaliya, sida ay iyadu qabto.

Sucaada oo sanadkii tegey ka qaybgashay doorashadii Golaha Wakiillada iyadoo ka sharraxnayd dhanka Gobolka Saaxil oo ay ku meteli lahayd xisbiga WADANI, balse aan la dooranin ayaa tiri:

“Ayaan darrada waxa ay ka timid in 30 sano kaddib weli ayan weli Somaliland noqon dal madaxbannaan, sidaaa darteed waxaan soo jeedin lahaa oo mar walbana ka hadlaa in Somaliland magaca laga baddelo oo magaca kale loo bixiyo sababtoo ah marka aad qofka Somaliland tiraahdid maanta dhan waxaad ku jireysaa sharrax ah Soomaaliya iyo Somaliland adiga oo aan waqtiba hayn.” ayay ku doodday.

Sucaad ayaa ku doodday in lagu yiraahdo “Soomaaligaas baan garanayaaye adna Soomaaligee tahay?”, balse taa xal lagaga gaari karo haddii magaca laga baddelo Somaliland, oo wax kale haloo bixiyo. ”Sababtoo ah inta magaceennu Soomaaligaas ku jiro dadku jahwareer ayay ku jirayaan.”

Waxay intaa raacisay in xitaa marka magaca “Somaliland la Carabiyeeyo uu noqonayo ”Ardul Soomaal” oo macnaheedu yahay meel walbo oo Soomaali ku nooshahay taasoo ay dhibaato ku tilmaantay, iyadoo qirtay inay haatanba jiraan dalal magac wadaaga sida Suudaan iyo Koonfurta Suudaan misna kala dal ah, balse ku adkaysatay in la bedelo magaca si magaca Soomaali looga cararo.

Sucaad ayaa keentay hindise magac iyadoo soo jeedisay in magaca Somaliland lagu baddelo Jamhuriyada Bariga Afrika ama “Republic of East Africa”.

Hadalsame Media