Brazil oo ay sii xoogaysatey dooddii siyaasadeed ee ku saabsanayd Somalia & Ingiriiska (Aqri sida ay u arkaan Somalia)

0

(Brasilia) 21 Jan 2022 – Dood kulul oo ka dhacday dalkaasi Brazil una dhaxaysey siyaasiyiinta dalkaasi ayaa waxaa lagu soo qaatay sababta ay arrimaha dalka Somalia u murugsan yihiin muddo 40 sano ka badan.

Doodda ayaa waxaa Brazil ka bilaabay siyaasiga iyo aqoonyahanka Sergio Fernando Moro oo Wasiirka Cadaaladda iyo Ammaanka ka noqday DF Brazil, kaasoo sidoo kale ah Profesor jaamacadeed.

Guddoonka Xisbiga Shuuciga ah ee PSB/DF ee dalkaasi Brazil, Rodrigo Dias, oo sidoo kale ah nin u dooda xuquuqul insaanka islamarkaana xuquuqda aadanaha ugu qaybsanaan jirey DF ee Brazil ayaa arrintan uga soo jawaabey boggiisa Twitter-ka.

”Yaa ku doodaya in Ingiriisku uu kaga koritaan fiican yahay Somalia sabab la xiriirta hay’aadkiisa (xooggan?)” ayuu is waydiinayaa qof ka mid ah dadka doodda ka qaybgelaya.

”Waxaan qabaa sababtu waa gumaysiga, addoonsiga, dhiig-miiradka iyo dabar-goynta oo si wanaagsan u sharaxaya farqiga u dhexeeya labadaa adduun.” ayuu raaciyey.

ARRINTAN AYAA DOOD SIYAASADEED KA NOQOTAY BRAZIL

Dooddii ayaase ilaa shalay iyo halkeedii kasii socota mid baa soo qoray: ”Hi Sérgio, noo sharrax isbrabardhigga cajiibka ah ee hay’adaha England iyo Somalia.

”Ka inuu professor eber yahay ahaan waxaan dhihi karaa Somalia waa dal siyaasad ahaan qasan oo ku dhaqma burcad badeednimo. Marka aaway hay’adaha wax nidaaminaya ee halkaa ka jira?”

Mid kale ayaa yiri: ”Ka macallin taariikhda dhiga ahaan, waxaan u damaanad qaadi karaa @SF_Moro in England ay koreeyso halka Somalia aysan wax hay’aad ah lahayn…

Nasiib wanaag, mar kasta oo uu Moro is muujiyo, wuxuu isku sii caddaynayaa jaahilnimadiisa. Waxaase taageeraya doqomo tiro yar oo isaga la mid ah.”

”Somalia waxaa gumaystey British-ka waxaanay u gaysteen dhibaato aan la xisaabi karin… British-ku! Hadda, aragtida Moro ee hay’aadku waa mid illowsan inuu yahay nin aad u yasa hay’aadkeenna halkan” ayuu soo qoray qof kale.

Qof baa qoray: ”England (United Kingdom): waa boqortooyo dastuuri ah, halkaasoo ay awoodo isla xisaabtamayaa mas’uul ka yihiin joogtaynta dimoqraadiyadda & xasillooniada.

”Somalia: waa jamhuuriyad ay xasarado iyo xasillooni darro hafiyeen. Waa dal faashil ah.”

Qaar ayaa inta ay dooddu socotey xitaa qaab jaantus ah usoo bandhigay heerka kortitaanka aadka u hooseeya ee Somalia, kaasoo xitaa ka liita dalal badan oo Afrikaan ah, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media