(Addis Ababa) 20 Jan 2022 – DF Itoobiya ayaa ka hadashay moowqifkeeda ku aaddan Somaliland kaddib booqasho uu halkaa ku tegey MW Somaliland Muuse Biixi.
“Arrinta DF Somalia iyo Somaliland waa arrin maxalli ah marna ma doonayno inaannu faragelinno. Runtii booqashada uu Addis Ababa ku yimi hoggaamiyaha Somaliland ee aanay Qaramada Midoobay aqoonsanayn marna khatar ma gelinayo xiriirka aanu Soomaaliya la leenahay.” ayuu yiri Dina Mufti, Ffhayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda oo xusay inay xoojinayaan xiriirka Somalia oo aanu jirin aqoonsi ajendaha ugu jira Itoobiya.
Mufti ayaa sidoo kale ka hadlay warar sheegayey in Turkigu uu Safaaraddiisa ka qaadanayo Addis Ababa.
Wuxuuna sheegay inaysan arrintaa waxba ka jirin oo ay kaliya u muujiyeen walaac dhanka ammaanka ah iyaguna ay markiiba u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay in ay sugaan ammaanka diblomaasiyiinta qalaad ee dalkooda jooga.
Hadalsame Media