(Hadalsame) 20 Jan 2022 – Min Diseembar 2021 ilaa haatan, warbaahinta Galbeedka ayaa hadal haya in Iiraan iyo Ruushanku ay qarka u saaran yihiin inay galaan heshiis difaac oo ku kacaya $10 bilyan oo doollar kaasoo Iiraan lagu siinayo hub casri ah sida dayuuradaha Su-35 oo 24 xabbo ah iyo ugu yaraan laba waaxood oo ah hannaanka daafaca gantaalaha dhul-ka-cir ee S-400, dayax-gacmeed ciidanka u basaasa iyo xogo tiknolojiyadeed oo loo waaridayo dhanka Tehraan, sida ay sheegeen.
Qandaraaska ayaa la sheegay inay ku jiraan shuruudo lagu kordhin karo markii la doono, dib u habeyn iyo cusboonaysiinta labada nooc ee MiG-29 ee Iiraan iyo diyaaradaha Su-24MK, Ruushka oo dib u tababaraya duuliyayaasha MIG-29, F-4 iyo F-14 iyo Su-35.
Kharashka ku baxaya ayaa lagu sheegay 10 bilyan oo dollar taasoo lagu bixin doono gebi ahaan ama qayb wayn oo ka mid ah fuustooyin saliid ceyriin ah.
Yeelkeede, waxaa soo baxaya xogo heshiiska ka dhigay mid aan caadi ahayn islamarkaana keenaya su’aalo la xiriira kalsoonida runnimada warbixintan.
Hubka waawayn ee Iiraan ka soo iibsatay Ruushka ayaa si wayn loogu qaadqaadayey saxaafadda reer Galbeedka tan iyo 1990-meeyadii, gaar ahaan MiG-29, MiG-31 oo ah kuwa dayuuradaha kale qabta iyo xitaa Tu-22M oo samaysa duqaymaha istiraatijiyadeed oo la sheegayey inay soo iibsatey Iiraan, balse waxba kama soo naasa caddaanin.
Hadalsame Media