(Hadalsame) 20 Jan 2022 – Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inaanay jirin sabab Jamhuuriyadda Somaliland ka horjoogsanaysa inay xiriir diloomaasi la samaysato dalka kasta oo dunida ah oo ay ku jirto Israel.
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabilsan Wadahadallada Soomaaliya, Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waraysi ay siisay telefishan laga leeyahay dalka Israel oo lagu magacaabo I24News, waxa ay ku sheegtay in Somaliland diyaar u tahay inay xiriir toos ah oo dibloomaasi la yeelato Israel oo ay sheegtay inay ka mid ahayd ”dalalkii ugu hor aqoonsaday Somaliland 1960-kii”, sida ay tiri.
Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa la hordhigay su’aal ahayd in maadaama ay Somaliland ay dal Muslim ah tahay ay dadku u arki karaan inay ka hareen qaddiyadda Falastiin haddii ay aqoonsadaan oo xiriir la yeeshaan Israel, waxay ku doodday inay jiraan dalal kale oo Muslim ah oo xiriir la leh Israel.
“in Somaliland loo aqoonsado dal madaxbannaan oo xubin buuxda ku leh Qaramada Midoobay, waxay sababi doontaa in la gaadho iskaashiga nabadda iyo xasiloonida ee Geeska Afrika.” ayay tiri Dr Edna Aadan.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa sannadkii 1995-kii warqad uu u qoray Raysal Wasaarihii Israel ee xilligaas Yitshak Rabin kaga dalbaday xiriir iskaashi iyo mid dibloomasiyeed oo dhexmara labada dhinac ee Somaliland iyo Israel, sida lagu faafiyey Somaliland Post.
Waraysigan waxaa la qaaday horraantii bishan.
Hadalsame Media