Somalia oo lagu soo daray liis la yaab leh oo aysan horay ugu jirin & waxa lagu haysto

0

(Hadalsame) 20 Jan 2022 – Sandra Sentinel oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka Masiixiga ah ayaa soo bandhigtay liiska dalal ay sheegayso in lagu dhibo dadka Masiixiga ah.

Waxay sheegtay in sanadkan curdanka ah ee 2022 ay qolada diiwaan gelisa arrimahan oo la yiraahdo Open Doors Watch List ay soo saareen in ka badan 360milyan oo Masiixi ah oo lagu dhibayo dunida dacalladeeda, taasoo ka dhigan 6-dii qofba midkood.

Yeelkeede, midda ugu darani waa inay soo bandhigtay liiska magacyada dalalka ay sheegayso in dadkan lagu dhibayo oo lagu soo daray dalka Somalia, oo waloow la ogyahay inay jiraan ashkhaas Masiixi ah aan misna lahayn bulsho la yaqaan oo Masiixi ah.

Liiska dalalka ay soo bandhigtay waxay kala yihiin: Afghanistan, North Korea, Somalia, Libya, Yaman, Eritrea, Nigeria, Pakistan, Iran iyo India.

Waa wax cusub in Somalia ay kasoo muuqato liiskan iyadoo Somalia loo arko dal 100% ama ku dhowaad 100% Muslim ah.

Hadalsame Media