(Jabuuti) 20 Jan 2022 – Waddada tareennada ee Itoobiya iyo Jabuuti oo isku xirta Addis Ababa ilaa dekedda magaalada Jabuuti, ayaa waxa sannadkii 2021-kii soo galay dakhli dhan $86.13m oo doollar, taas oo ah koror dhaafay 37.5% marka loo eego sannadkii 2020.
Khadkan ayaa waxa isticmaalay 449 tareeno rakaab ah iyo 1469 tareen xamuul ah sannadkii 2020-kii, iyagoo daabulay 77,357 oo TEU.
Wakaaladda Jidadka Xadiidka ah ee Jabuuto ayaa sare u qaadday habsami u socodka & hufnaanta shaqada, iyadoo waqtigii lagu farsamayn jirey tareennada xamuulka ah ee Dekedda Dooraale ee Jabuuti oo awal ahaa 3 maalmood haatan laga dhigay saddex maalin iyo bar, halka waqtiga raritaanka iyo dejinta ee dekedda qallalan ee Modjo oo awal ahaa 12 maalmood haatan laga dhigay ilaa todoba saacadood oo qura.
Badbaadada ayaa sidoo kale soo hagaagtay iyada oo aan wax shil ah la diiwaan gelin 2021-kii. Gobolka Soomaalida Itoobiya, oo ah gobolka ugu wayn ee uu maro Jidka Tareenka ee Yaji, ayaa sidoo kale hirgeliyay Xeerka Ilaalinta Badbaadada Tareennada bishii Agoosto 25, 2021.
Jidka tareenka Jabuuti ayaa waxa uu dalka Itoobiya u maray 96 tareen oo sidey maaddooyin bacrimin ah iyo 13 tareen oo qamadi ah, iyada oo khadkani uu bartilmaameedsanayo suuqyo cusub oo ay ka mid yihiin saliidda cuntada, baabuurta yar yar iyo khudaarta la qaboojiyey.
Si loo horumariyo degaan ahaan shaqada, 34 darawal oo Ethiopian ah oo kaxeeya tareennada xamuulka qaada ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin Maajo 4, 2021-kii, waxaana ku xigay 15 ah darawallada kexeeya gawaarida birta culus ee dekedaha ka dhex shaqeeya 29-kii Luulyo.
Khadka koronto oo dhan 752km ayaa la furay bishii Oktoobar 2016-kii, iyadoo mashruucan oo lagu khasiray $ US 3.4bilyan ay 70% maalgaliyeen Bangiga Exim ee Shiinaha waxaana dhistay hay’adaha China Railway Group iyo China Civil Engineering Construction.
Hadalsame Media