(Stockholm) 20 Jan 2022 – Hindisaha dowladda ee lacagta kabka ah lagu siinayo dadkii ay lacagta badani korontada kaga baxday xilligan qaboobaha ah oo uu tamartu qaali garowdey ayaa haatan la diyaariyey.
Lacagta ugu yar ee uu qofku heli karaa waa SEK 100 waxaana ugu badan SEK 2,000 bil kasta oo jiilaal ah, iyadoo lacagtan toos loogu shubayo shirkadaha bixiya adeegyada korontada.
Wasiirka Maaliyadda Sweden, Mikael Damberg, oo saaka shir jaraa’id qabtay ayaa xusay in kaalmadani gaari doonto 3 meelood oo hal meel dadwaynaha, balse wuxuu sheegay inay diiradda saarayaan sidii ay hadba dadku kala baahi badan yihiin.
Lacagtan ayaa khusayn doonta min Diseembar 2021 ilaa Jannaayo iyo Febraayo 2022-ka, waxaana cabbirku ku salaysan yahay xaddiga koronto ee uu guri kasta bishii isticmaalay, balse dadka lagu caawinayaa kuma jiraan shirkaduhu.
Hadalsame Media